Madaxda Maamulada Galmudug Iyo Jubaland Oo Cambaareyay Socdaalkii Jawaari Ee Dhuusamareb

0
526

Madaxweyneyaasha Maamulada Jubbaland iyo Galmudug  C.kariin Xuseen Guuleed iyo Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo Shir Jiraa’id ku qabtay Magaalada Cadaado ayaa wada jir u Cambaareeyay socdaalka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ee uu ku tagay Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud.

Labada Madaxweyne ee  Maamulada Galmudug iyo Jubbaland ayaa sheegay in Socdaalka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya uu ku tagay Dhuusamareeb ay wiiqi karto wada-hadalada ay Galmudug ka wado Gobolada Dhexe ee Soomaaliya.

Wafdiga Dowladda Soomaaliya ka tirsan ee uu hor kacayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb,iyadoo la sheegay in ay halkaa u tageen sidii la iskugu soo dhaweyn lahaa Maamulka Ahlusunna iyo Dowladda federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya wali kama hadlin Eeda uga timid Madaxweyneyaasha Maamulada Galmudug  iyo Jubbaland.