Madaxda Somalida Oo Isku Fahmi leh Nuuca ay Noqoneyso Dorashada Ka Dhaceyso Dalka

0
639

Shirkii Madaxda Somalida ay ku lahaayeen Magaalada Muqdisho ee la doonaayo in lagu go’aamiyo nooca Doorasho ee dalka Somaliya ka dhaceysa dabayaaqada sanadkan gudihiisa ayaa weli la isku afgaran la’yahay.

Madaxtooyada Somaliya Shirarkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Natiijadooda waxa ay noqotay in Isfahan waa uu ka dhaco madasha, maadaama Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada qaar ay ku adkeysanayaan in Nidaamka Hab deegaan lagu saleeyo Doorashada.

Xubno ka tirsan Beesha caalamka ayaa qayb ka ahaa Shirarka oo doonaayay inay dhex dhexaadiyaan Madaxda, hayeeshe fekerada kala duwan ee ay ku adkeysanayaan madaxda ayaa keentay in la is fahmi waayo.

Maamulka Puntland iyo Jubbaland waxa ay ku adkeysanayaan in Doorashada lagu saleeyo hab deegaan, halka Maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed ay doonayaan in Doorashada ay noqoto 4.5.

Hadii Shirkaan ay si toos ah ugu heshiin waayaan Madaxda Somalida ayaa taasi waxa ay noqonaysa in si toos ah shirka uu u fashilmay, maadaama Shirkaan kii ka horeeyay uu natiijo la’aan Kismaayo ku soo dhamaaday lagana soo kala dareeray.

Shacabka Somaliyed ayaa sugaya Madax iyagaba isfahmi la’ oo ku kala qaybsan aragtida ku aadan Marxalada looga gudbayo waqtiga Dowladda hada shaqeysa marka uu dhamaado.

Isfahan waaga ka taagan Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho ayaa Siyaasiyiinta waxa ay ku eedeynayaan inay masuul ka tahay Dowladda Somaliya oo xilli hore aanan ka sii fekerin Doorashada dalka Somaliya.