Madaxda Wadamada Midowga Afrika Oo Lagu Wado in ay Gaaran Magaalada Addis Ababa

0
425

Magaalada Addis ababa oo Xarun u ah Ururka Midawga Afrika ayaa waxa gaari doona Madaxweyneyaasha Ururka Midawga Afrika,halkaa oo uu bari ka furmi doono Shirka Hogaamiyaasha Ururka Midawga Afrika.

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qeyb ka ah Hogaamiyaasha iskugu tagaya Magaalada Addis abab oo Shirka 26-aad ee Hogaamiyaasha Afrika uu ka furmi doono bari oo Sabti ah.

Shirka Madaxda  Ururka Midawga Afrika ayaa la filayaa in looga hadlo Arrimaha Ammaanka iyo hormarinta dhaqaalaha iyo Maalgashiga Afrika.

Sidoo kale waxaa Hogaamiyaasha ay isla soo qaadi doonaan  Arrimaha Argagixisada ee ka jira Soomaaliya iyo Nigeria iyo sidoo kale Arrimaha Koofurta Suudaan.

Ugi dambeyn waxaa Macquul ah in la isla soo qaado Arrimo quseeya Ciidamada u gaar ka ah Afrika ee horay loo sheegay in ay yeelaneyso Afrika halka ay wax u marayaan.