Madaxweeynaha Jubaland oo markii ugu horeeysay Cadaado Tagaya

0
513

Xilli la filayo in 10-ka bisha uu magaalada Kismaayo ka furmo shirweeynaha qaran ee looga tashanayo aayaha Soomaaliya iyo doorashooyinka dalka ka dhici doona sanadka, ayuu Madaxweeynaha Jubaland Mudane Axmed Max’ed Islaam waxa uu maanta markii ugu horeeysay tan iyo intii uu xilka madaxtinimo ee Jubaland qabtay gaarayaa magaalada Cadaado ee xarunta Maamulka KMG ee Galmudug.

Madaxweynaha oo ay wehlinayeen xubno ka tirsan golihiisa wasiirada ayaa goordhow ka duulaya garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo.

Degmada Cadaado ayaa waxaa ka soconeeysa u diyaargarow ku aadan soo dhaweynta wafdiga uu hogaaminayo Madaxweeynaha Jubaland ee gaari doono saacadaha foodda nagu soo haya.

Safarkan marka uu soo idlaado ayaa la filayaa in magaalada Kismaayo ay soo gaaraan madaxda dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka ka jira si loo ambaqaado shirkii wadatashiga qaran ee doorashooyinka dalka.