Madaxweye Somalia oo dalka dib ugu soo laabtay

0
528

Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Somaliya ayaa maanta Barqadii ku soo noqday dalka, isaga oo ka yimid Dalka Jordan oo uu kaga qaybgalay Shir.

Madaarka Muqdisho waxaa Madaxweynaha ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan labada Gole ee Dowladda, Saraakiisha ciidanka iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Madaxweynaha ayaa soo dhaweyn kadib loo galbiyay Madaxtooyada Somaliya, waxaana imaatinkiisa Muqdisho ay ku soo aadeysaa iyadoo Muqdisho ay ku sugan yihiin Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland.

Waxaa la filayaa in Madaxweynaha Somaliya iyo Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ay yeeshaan kulamo gaar gaar ah oo looga hadlaayo arimaha ku aadan Doorashada Somaliya ee sanadkaan.

Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland oo shalay Muqdisho soo gaaray ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay Xubnaha Beesha caalamka kaga sugan Magaalada Muqdisho, waxaana looga hadlay arimaha ku aadan Doorashada iyo sidii madaxda ay isugu tanaasuli laheyd.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa inuu qabsoomo Shirka Madaxda Maamul Goboledyada iyo Madaxda Dowladda ay isugu imaanayaan ee arimaha Doorashada looga hadlaayo.