Madaxweynaha jubaland oo sheegey in shirka ugu danbeeyo ee go’aanka looga gaarayo doorashada dalka uu ka dhacayo kismaayo

0
409

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sheegay in Kismaayo lagu gaari doono go’aanka ugu dambeeya ee shirka Madasha wada tashiga qaran ee looga hadlayo hanaanka doorasho ee Soomaaliya.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in la isku soo laaban doono, isla markaana la gaari doono heshiis, waxaana uu xusay in Soomaalida ay shirto, isla markaana isugu timaado.

War murtiyeed laga soo saaray Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in wada xaajoodkii Kismaayo Madaxda Soomaalida uga wada hadleen sidii ay isugu waafaqi lahaayeen qaab doorasho oo wadar ogol ah, kaasoo waafaqsan Baaqii Muqdisho, isla markaana dowladda Federaalka dhowaan marti gelin doonto kulan kale oo lagu dhameyn doono waxyaabaha xaga farsamada, lana soo saari doono go’aanka ugu dambeeya

Shirkii ka socday Kismaayo ayaa noqday mid aan wax go’aan ah laga soo saarin, isla markaana Madaxda isku raacin qaab doorasho oo marxalada hada lagu jiro looga gudbayo, iyadoo dowladda Federaalka bilooyin uga harsan tahay muddo xileedkeeda.