Madaxweynaha K/Galbeed Soomaaliya Oo Lagu Soo Dhaweyay Magaalada Xudur

0
502

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa maanta socdaal ku tagay degmada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool si ugu kuur galo xaaladaha amni iyo midda nololeed ee shacabka ku nool gobolkaasi.

Xaalada amni ee Gobolka Bakool,ayaa la sheegayaa inuu soo hagaagayo,waxaana iska kaashanaya ciidamada Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Ciidanka AMISOM,kuwaasi oo deegaano iyo degmooyin badan ka qabsaday Al-shabaab.

Amniga degmada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa si aad ah loo adkeeyay,waxaana degmadaasi lagu soo dhaweeyay wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha maamulka K/galbeed Soomaaliya Shariif Xasan oo socdaaal ku maraya deegaano ka tirsan gobolka Bakool.

Ujeedka socdaalka Shariif Xasan ee degmada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa lagu sheegay iney tahay siduu u ogaan lahaa xaalada amniga iyo mida bini-adanimo,sidoo kale madaxweyne Shariif Xasan intuu ku sugan yahay degmada Xudur wada hadal la yeelan doona Waxgaradka iyo mas’uuliyiinta maamulkaasi.

Wararka qaar ayaa tilmaamaya in socdaalka Shariif Xasan ee degmada Xudur uu ku wajahan yahay inuu tababar u soo xiro cutubyo ka tirsan ciidamada darawiishta ee Maamulka Koonfur galbeed, kuwaasi oo ka qeyb qaadan doono howlgallada dalka looga saarayo ururka Al-shabaab.