Madaxweynaha Maamulka Jubaland Oo Gaaray Magaalada Muqdisho

0
559

Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Sheekh Maxamed islaan (Axmed Madoobe) ayaa maanta usoo dhoofaya magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia si uu uga qayb galo shir ay isugu imaanayaan dhamaan madaxda Dowlada iyo Maamul Goboleedyada dalka.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Garoonka Kismaayo kala soo duulay Wafdi kala duwan oo ka kala tirsan labada Gole ee maamulkiisa waxa uuna soo dhoofitaankiisa ka hor garoonka Kismaayo kula hadlay Saxaafada isaga oo sheegay in ujeedka socdaalkiisa uu yahay in magaalada Muqdisho ay uga qeybgalayaan shirka wadatashiga aayaha Somalia.

Shirkan ee madaxdu isugu tagayso ayaa sida wararka lagu helayo waxaa qeyb weyn ku leh wakiilada Beesha caalamka oo horay usoo saaray qoraal madaxda Soomaaliyeed ku dhiirigelinaya in heshiis gaaraan ka hor 28/01/2016.

Madaxweeyne Axmed Madoobeayaa sheegay in uu rajeeynayo in shirkaasi kasoo baxaan go’aano waxtar leh islamarkaana lagu dhameyn doono waxyaalaha dhiman.

Beesha Caalamka ayaa sidoo kale madaxda Soomaaliyeed ku cadaadineyso in ay gaaraan heshiis kama danbeys ah oo ku aadan doorashada sanadkan ka dhici doonta dalka.

Lama xiliga uu shirka Furmaayo magaalada muqdisho iyado madaxweyne Axmed Madoobe kaga soo horeeyay magaalada Muqdisho Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas.