Madaxweynaha oo ka qeyb galaya Xuska markii la Qoray Farta Soomaaliga

0
620

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo sidoo kale Madax ka tirsan Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta Muqdisho uga qeyb galaya Xuska Markii la Qoray Farta Soomaaliga oo ah 21-ka Janaayo  Sanadkii 1973-dii oo ay ka soo wareegatay 43 Sanadood.

Munaasabadda ugu weyn ayaa ka dhaceysa Xarunta Akadeemiyada Cilmiga fanka iyo Suugaanta,iyadoo Ammaanka halkaa si weyn loo adkeeyay.

Ustaad C/Qaadir Nuur Xuseen Maax  oo ka mid ah Qoreyaasha Soomaaliyeed ayaa noo sheegay in Maanta oo ah 21-ka Janaayo ay tahay maalin ku weyn ummadda Soomaaliyeed islamarkaana lagu Xasuusto markii Guud ahaan Soomaaliya  Farta Soomaaliga laga hirgaliyay Qoritaankeeda.