Madaxweynaha oo ku wajahan Kismaayo iyo Shaki laga qabo in Shirka Kismaayo uu dib u dhaco

0
471

Warar ayaa sheegaya in aan si rasmi ah loogu dhawaaqi karin in maanta uu furmo shirkada madasha ee looga hadlaayo nooca doorasho ay Soomaaliya u baahan tahay in ay ka dhacdo.

Nidaamka 4.5 iyo habka degaan ayaa ah waxa ilaa iyo hadda madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada ay isku hayaan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa la filayaa in maanta uu tago Kismaayo kuna biiro kulamada gooni goonida ah ee soconaya.

Wasiirka Amniga Maamulka Jubbaland Darawiish ayaa BBC-da u sheegay in ay shaki ka jirto suurta galnimada in daah rogo manta shirkaasi mar hadii madaxdii ay iyagu qaarkood maanta goobta tagayaan ayna soo dhaweeyn ku mashquuli doonan.

Wixii kasoo baxa kulamada iyo shirka haduu furma waxaan ku aqrisan doontaan wararkeena soo socda.