Madaxweynaha Puntland Cabdweli Gaas oo Gaaray Muqdisho,

0
566

Madaxweynaha maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Wafdi  uu hoggaaminayey oo isugu jirey xubnaha labada gole ee dowlada goboleedka Puntland iyo xubno meteleya bulshada rayidka ah ayaa soo gaadhey magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde  waxaa kusoo dhoweeyey Ra’iisul-wasaare ku-xigeenka Dawladda Federaalka Soomaaliya, Wasiirka Caddaaladda Dawladda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaano, Siyaasiyiin hore, saraakiil ciidan iyo dadweyne kale.

Madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa markuu kasoo degey Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde waxaa uu shirar kala duwan garoonka kula qaatay wakiilka Xog-hayaha guud ee Jimciyadda Quruumaha ka dhexaysa u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Michael Keating iyo ku-xigeenkiisa Raisedon Zenenga waxaa ayna kawada hadleen xaaladda guud ee dalka soomaaliya iyo tan gaar ahaaneed ee Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa la filayaa in uu Muqdisho ugaga qeybgalo shir ay yeelanayaan madaxda maamul goboleedyada dalka.