Madaxweynaha Soomaaliya Oo Gaaray Dalka Kenya Si Uu Kaga Qeyb Galo Aaska Askarta Kenya

0
459

Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gaaray Magaalada Eldoret ee dalka Kenya halkaasi oo uu kaga qaybgalaayo Aas loo sameynaayo Askartii lagu laayay weerarkii Ceelcadde.

Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Eldoret ku soo dhaweeyay Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya William Rutto.

Waxaa la filayaa in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ka qaybgalo aas qaran oo loo sameynaayo Askarii lagu laayay Ceelcadde.

Madaxweynaha dalka Nigeria, ayaa isagana la filayaa inuu soo gaaro Magaalada Eldoret si uu dhankiisa aaska Askarta uga qaybgalo.

Xero ciidan oo ku taallo Magaalada gudaheeda ayaa lagu wadaa in aaska Qaran loogu sameeyo Askartii lagu laayay weerarkii Ceelcadde