Madaxweynaha Soomaaliya Oo Ku Wajahan Magaalada Boosaaso

0
447

Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya mudane Xasan sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa u Kicitimaya Magaalada Boosaso Ee Xarunta Gobolka Bari si uu uga qeyb galo Furitaanka Garoonka Diyaaradaha Magaalada Boosaaso.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka mid ah Madax badan oo ka qeyb galaya Furitaanka Garoonka Diyaaradaha Boosaaso oo ah Garoomada Diyaaradaha ku wooda ugu weyn ee Puntland ku yaalla.

Magaalada Boosaaso  waxaa horay u joogay Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali ,Kuxigeenkiisa ,Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole iyo Siyaasiin ay ka mid yihiin C/wali Sheekh Axmed iyo Cali Maxamed Geedi oo Ra’iisul Wasaareyaal ka soo noqday Soomaaliya.