Madaxweyne Gaas oo magacaabaya guddiga doorashooyinka Puntland

0
477

Madaxweynaha Puntland,Cabdiweli Gaas ayaa ku celiyay inay dhici doonto doorasho ay shacabku wax doortan,markuu waqtiga u dhammaado dowladda uu hoggaamiyo,isagoona caddeeyay dhawaan inay soo magacaabi doonan guddiga doorashooyinka.

Waxuu sheegay madaxweynaha in meel gabo-gabo ah la marsiinayo dhismaha golayaasha deegaanka,tallabada xigtana ay noqonayso diyaarinta hanaanka asxabta badan ee dimuquraadiyadda.

“Waxaan wadna in la dhameystiro golihii deegaannada ee degmooyinka Puntland,waxaana rabna sanadka dhammadkiisa inan soo afjaro qorshaha,dhawaana waxaan ku dhawaaqi doona waana ku heshiinay cida ay quseysa guddiga doorashooyinka,“ayuu yiri madaxweyne Gaas

Madaxweynaha,waxuu muujiyay sida ay dowladiisu u doonayso shacabka inay wax doortan marka la gaaro sanadka 2019 oo ay dhacdo doorasho qof iyo cod ah.

Dowladda waxaa ay horay dhaleecen ugala kulantay siyaasiyinta Puntland oo ku dhaliilay inay ka gaabinayso dhismaha guddiga doorashooyinka Puntland oo xeerkiisu ay ansixiyeen baarlamaanka.

Madaxweynaha talada haya Cabdiweli ayaa markii ay doorten 66 xildhibaan,waxuu ballan-qaaday hanaankan in laga gudbi doono oo ay shacabku iyagu wax dooran doonan.