Madaxweyne Gaas: “Shirka wada-tashiga Kismaayo,waxaan la hortageyna aragtidii shacabka Puntland”

0
539

Madaxweynaha Puntland,Cabdiweli Gaas ayaa sii sheegay qodobbada uu hordhigayo shirka wada-tashiga ee lugu go’aaminayo doorashada dalka ka dhacaysa dhammaadka sanadkan.

Cabdiweli,waxuu sheegay inay caddahay aragtidooda oo ay shirka horgeyn doonan aragtidii shacabka Puntland ee ay hore u geeyeen madalihii looga hadlayey mustaqbalka Soomaaliya iyo hannaanka doorashooyin oo dabayaaqadii sannadkii tegey lagu qabtay magaalada Muqdisho.

“Shirka waxaan horgeynayna,aragtidii shacabka Puntland ee ay hore u geeyeen madalihii looga hadlayey Mustaqbalka Soomaaliya,“ayuu yiri madaxweyne Gaas oo wariyaasha kula hadlay Boosaaso inta uusan ka soo ambabixin.

Shirka ugu muhiimsan madasha wada-tashiga ayaa la filaya maanta inuu ka furmo magaalada Kismaayo,halka oo ay ku sugan-yihiin inta badan hoggaamiyayaasha Soomaaliya iyo wafduud kale oo caalami ah.