Madaxweyne Somaliya Oo Manta lagu wado inuu gaaro magaalada Jowhar

0
413

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu saacadaha soo socda gaaro magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.

Booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sida ay wararku sheegayaan la xiriirta inuu furo shirka maamul u sameynta labada gobol ee Sh/dhexe iyo Hiiraan oo la filayo in maanta si rasmi ah uu uga bilowdo magaalada Jowhar.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa booqashadiisa ku wehelin doono wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliyeed oo ka soo gala jeeda Hiiraan iyo Shabelleha Dhexe.

Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa sida ay soo sheegayaan weriyaasha jowhar.com ee ku sugan magaaladaas waxaa ka socda diyaar garow ballaaran oo ah soo dhoweynta Madaxweynaha iyo weliba martigelinta shirka maamul u sameynta labada gobol ee Sh/dhexe iyo Hiiraan.

Si dhab ah oga mudada uu joogi doono Madaxweyne Xasan Sheekh magaalada Jowhar iyadoo lagu xusuusto booqashooyinkii uu hore ugu tegey intii uu hayay xilka madaxtinimada uusan habeena ku hoyan magaalada xarunta u ah gobolka Sh/dhexe ee Jowhar.

Waqtiyadii ugu danbeyay  waxaa magaalada Jowhar gaaray wafuud kala duwan oo isugu jira Wasiiro, Xildhibano, siyaasiyiin iyo ergooyin ka soo kala jeeda labada gobol, waxaana sidoo kale magaalada gaaray ciidamo aad u fara badan oo ay ku jiraan kuwa sida gaarka ah u tababaran.

magaalada Jowhar ayaa Ammaankeeda  aad  adkeeyay, iyadoo wadooyinka lagu arkayo saaka ciidamo faro badan oo ammaanka sugaya, isla markaana wadooyinka qaar xiray.