Masar oo 60 oo Somali ah ka masaafurisay dalkeeda

0
305

Dowlada Masar ayaa dalkeeda ka masaafurisey in ka badan 60 qof oo Soomaali ah, sidoo kalena waxa ay xabsiga dhigeen sedex qof oo kale.

Dadkan la masaafuriyey ayey dowlada Masar sheegtey in ay ahaayeen dad si sharci daro ah dalkeeda ku soo galey isla markaana doonaayey in ay u tahriibaan dalalka Yurub.

Sedexda qof ee la xirey ayaa iyagana la sheegey in aysan heysan sharci ay dalkaas ku degenaadaan ama ku joogaan.

Somali badan ayaa isku dayda inay ka tahriibaan dalka Masar si ay ugu gudbaan dalalka Yurubta, hayeeshe waxa ay la kulmaan dadkaasi caqabado ku aadan in Booliska xidho ama la jirdilo.

Dhinaca Libya oo adkaatay ayaa sababtay in dadka markaan ay ku qul-qulaan dhanka Masar oo ka wanaagsan dhanka Libya, marka loo eego dhanka Qatarta.