Meydka Ugaas C.Raxmaan Oo La isku Raacay In Lagu Aaso Qabuuraha Daaro Ugaas Ee Degaanka Ceeldheer

0
389

Kulan looga hadlayay aaska marxuum ugaas c.raxmaan ugaas khaliif ugaas rooble oo shalay ku geriyoday magaalada b.weyne oo xalay ka dhacay xarunta maamulka gobolka ayaa looga hadlay halka lagu aasayo iyo waqtiga la aasayo iyadoo Guddi loo saaray qaban qaabada aaskiisa ay ka arinsanayaan qaabka uu u dhacayo aaska.

Wafuud kala duwan oo ka socota dowladda Soomaaliya, odayaal dhaqameedyo, waxgarad, culumaa’udiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ku soo qul qulaya magaalada Beledweyn si ay kaga qeybgalaan aaska Ugaaska.

Wasiirka amniga qaranka xildhibaano katirsan baarlamaanka maamulka gobolka waxgarad odayaal iyo aqoon yahano kulanka ka qeyb galay ayaa waxa la isku raacay in meydka ugaaska lagu aaso inta u dhaxeysa Beledweyn iyo Buulo Burde, gaar ahaan deegaanka Daaro-Ugaas oo ku dhow Degmada Halgan  halkaasoo horay loogu aasay illaa 17 ugaas oo ugu dambeeyay Ugaas Khaliif Ugaas Rooble.

Alla ha u naxariiste ugaas c.raxmaan ugaas khaliif ugaas rooble oo kamid ahaa ugaasyada soomaaliyed ayaa shalay ku geriyoday magaalada b/weyne waxana lagu wada in maalmaha soo socda lagu aaso qabuuraha daaro ugaas waxana aaska ugaaska lagu wada in ay kasoo qeyb galaan madaxda dowlada iyo qeybaha kala duwan ee dadka soomaaliyed.

Deegaanka Daaro-Ugaas ayaa dhaqan ahaan lagu aasi jiray Ugaasyadii soo maray Beesha Xawaadle, waxaana ugu dambeeyay aabaha dhalay Ugaas C/raxmaan oo sanadkii 2001 lagu aasay isla deegaankaas.