Mid Kamid ah Beelaha Soomaaliyeed Oo So Saartay Baaq Muhiim U ah Dhamaan Uma Soomaaliyeed

0
513

Bismillaahi Raxmaani Raxiim:

Allah Swt ayaa iska leh mahad oo dhan,.Nabadgelyo iyo Naxariis Korkiisa ha ahaato Nabigeenii Muxammad (Salalaahu Caleyhi Wasalim).

KU:Ururka Qaramada Midoobay.

KU:Dowlada Fadaraalka Soomaaliya .

KU:Dowlad Goboleeyda Soomaaliya.

KU:Ururka Jaamacada Carabta.

KU:Ururka Midowga Africa.

KU:Ururka Midowga Yurub.

KU:Dhamaan Ururada Xuquuqul Aadanaha.

 

BAAQ AY SOO SAAREEN BEESHA MADHIBAAN

 

Beesha Madhibaan oo ka kooban, Odayaasha Dhaqanka, Culumada, Siyaasiinta, Aqoonyahanada, Haweenka, Dhalinyarada iyo Dhamaan Qurba Joogta, waxay si wadajir ah u soo saareen Baaq ay u dhan yihiin, oo ku saabsan Higsiga cusub ee sanadka 2016 oo Soomaaliya laga hirgelin doono iyo qaabka ay Beesha uga qeyb qaadan doonto.

Dhamaan qeybaha kala duwan ee Beesha Madhibaan waxay isugu soo xirmeen aaladda Social Media network-ka iyagoo ka arinsaday xuquuqda ay beesha ku yeelanaysa hanaanka higsiga 2016.

 

Beesha Madhibaan waxay ka mid tahay beelaha Soomaaliyeed guud ahaan ay saameysay dhibaatooyinkii ka dhacay Soomaaliya, gaar ahaan beesha Madhibaan waxay si gaar ah ula kulantay gaboodfalyo ay ku sameeyeen beelaha ay deegaanka wadaagaan, waxaan ka mid ah:

 

1- Isir takoor iyo qaddarin la’aan.

2- Sinaan la’aan dhinac kasta, sida: (Sharciga, dhaqaalaha, waxbarashada, Shaqada, caafimaadka).

3- Caddaalad darro ku salaysan xeer dhaqameedyada Beelaha ay deegaanka wadaagaan.

4- Sadbursi deegaameed iyo mid Awoodeed.

5- Guur takoor ku dhisan isir – sooc. dhaqameed

6- Xaqiraad Mageed sida: (mag bar ah ama magta oo loo diido).

 

Beesha Madhibaan waxay dadaal dheer u soo martay sidii ay uga soo kabsan lahayd dhibaatooyinkii badnaa oo ay soo martay xilliyadii kala duwanaa. Nasiib daro, dadaalkii Beesha Madhibaan wax badan kama hirgelin. Sababaha soo socda:

1- Soomaaliya maanta kama jirta dowlad dhexe oo leh awood ay ku kala hagto beelaha ku loolamaya sad bursiga deegaamada.

2- Soomaaliya kama jirto dowlad dhexe oo awood u leh inay fuliso Sharciga Dastuuriga ah.

3- Maamul Gobaleedyada ka dhisan Soomaaliya waxay u adeegaan danaha beesha ugu badan deegaankaas.

4- Deegaamadii ay Beesha Madhibaan ka barakaceen xiligii dagaalka sokeeye sanadkii 1991, oo aysan dib ugu soo noqon Karin, iyagoo dhibaatooyin kala kulmay Maleeshiyo Beeleedyo.

 

Beesha Madhibaan waxay soo dhaweynaysaa dadaalada loogu jiro hanaanka doorashooyinka Higsigi 2016, oo ku salaysnaan doona awood qaybsiga iyo isbeddelada nidaamka doonka Dowladeed ee laga samayn doono Soomaaliya.

Beesha Madhibaan waxay talo ahaan u soo jeedinaysaa qodobada soo socda:

  1. A) Awood qeybsiga Halbeegga 4.5

Habka awood qaybsiga 4.5 in laga tanaasulo loona beddelo 5-ta beelood: Beel kastana inay hesho awood isu dheelitiran oo ku dhisan caddaalad iyo sinaan, taas oo keeni karta in beel kasta ay ku qanacdo.

  1. B) Awood Qeybsiga Habka Deegaan Gobaleed

Hadii aan nahay Beesha Madhibaan waxaan 100% ka soo horjeednaa habka deegaanka, sababtoo ah waxaa nagu sii badanayaa duruufaha aan kor ku soo xusnay, waxaa soo baxaysa isku dheelitir la’aan deegaamada iyo beelaha, waxaana halkaas ku lumaysa Xuquuqdeenii deegaameed oo aan lahayn.

 

Deegaan walba qabiil ayaa isku magacaabay, mana suurtagelaysa inaan sinaan iyo caddaalad wax ka helno Dowlad Gobaleedyada maanta ka jira Somalia iyo kuwa Samaysmi doono muqtaqbalka.

 

Haddii lagu heshiiyo in qaab Deegaan wax lagu qeybsado, Beesha Madhibaan waxay codsanaysaa qodabada soo socda:

1- Beesha Madhibaan waa beesha keliya ee ku nool gobalada Dalka Somalia oo dhan, tiro ahaana ku badan deegaan walba, sidaas darteed waa in naloo qondeeyaa 12 Xildhibaan oo Fedaral ah, khaasna u ah beesha Madhibaan oo keliya, lagana xulanaayo gobalada dalka oo dhan, iyaga dhexdooda ayaana si siman u qeybsanaayo, Qoondadaas waa inay noqotaa qodob Dastuuri ah, laguna daraa Dastuurka Fedaralka.

2- Waa in maamul Gobaleedyada sidoo kale nalooga qondeeyo min 3 Xildhibaan oo khaas u ah Beesha Madhibaan oo keliya, maadaama aan deganahay Gobalada dalka oo dhan.

Qondaadaasna waa inay noqotaa qodob Dastuuri ah, laguna daraa Dastuurada Maamul Gobaleedyada.

Qodobada aan kor ku soo xusnay waa xalka keliya oo aan uga dhex muuqan karno awood qaybsiga iyo Maamulada Soomaaliya ka hirgeli doono, waxaan helaynaa isku dheelitirnaan ku dhisan Dimoqriyaadiyad Beeleed iyo mid deegaameed.

Qodobada kor ku xusan haddii naloo hirgeliyo waxaa naga yaraanaysa dhibaatada isir takoorka ah ee ay beelaha kale nagu hayaan. Waxaana helaynaa xuquuqdeenii oo Dastuurada Dalka ku xusan iyo kan Dowlad-gobolleedyada.

 

Talo soo jeedin ka timid Beesha Madhibaan Xilalka ugu sareeya Dowladda Federal-ka ee Soomaaliya waa sidan:

1- Madaxweynaha

2- Guddoomiyaha Baarlamaanka

3- Ra’isul Wasaaraha

4- Guddoomiyaha Maxkamdda Sare.

Xilalkaas Sare ee Dowladda Federal-ka waxaa in muddo ah isku beddelaayey Beelaha 4-ta ah, oo iyaga isku magacaabay inay ugu tiro badan yihiin, waxayna ka bixi waayey khilaaf dhexdooda ah, taasoo laga dhaxlay dib u dhac siyaadadeed iyo mid bulshadeed, waxayna waqti badan ka lumiyeen shacabka Soomaaliyeed, waxayna ku guuldareysteen qodobada soo socda:

1- Beelaha 4-ta ah waxay ku guuldareysteen in ay abuuraan nabad iyo degenaan ka dhacda dalka Soomaaliyeed 25-kii sano ee la soo dhaafay, waxayna ka madax adeegeen Talooyinka xalka uu ku jiro oo ay u soo jeedisay Beesha 5naad iyo Beesha Caalamka.

Xalka kasta oo loo keenana waxay ka fiiriyaan danahooda gaarka, taasoo sabatay inay dagaalada ku daba dheeraadaan Shacabka Soomaaliyeed.

2- Beelaha 4-ta ah, waxay ku guuldareysteen khilaafka dhexdooda inay ku xaliyaan qaab nabadeed iyo wadahadal dimoqraardiyad ku dhisan, waxayna ku tartameeyeen Sad bursi Deegaameed, mid dhaqaale iyo mid awoodeed, oo ku salaysan Caddaalad daro, taasoo laga dhaxlay dhibaatooyin badan.

3- Beelaha 4-taah waxay ku fashilmeen inay horumariyaan ilaha dhaqaalaha sida: Xoolaha nool, Beeraha, Kalluumiga, iyo Khayraadka Shidaalka, waxay abuureen Maleeshiyo Beeleedyo hubeysan, NGO-yo ay iyaga leeyihiin, waxayna dalbadaan Mucaawimo dibadda ah.

 

4- Beelaha 4-taWaxay ku fashilmeen inay Soomaaliya ka hirgeliyaan Manhaj waxbarasho oo midaysan, waxayna faafiyeen Manaahij waxbarasho oo ay ka soo minguuriyeen meelo kale, taasoo dhalisay in soomaaliya oo idil ay ku faafto Fikirka xagjirnimada oo dhalinyaradii la marin habaabiyo, waxayna ku fashilmeen inay dhalinyaradii u hirgeliyaan xirfado waxbarasho oo ay ku shaqeystaan, waxayna shaqaaleystaan dad aan Soomaali ahayn oo dantooda ay ku jirto.

5- Beelaha 4-ta ah waxay samaysteen warbaahin buun buunisa danahooda gaarka ah, waxayna faafiyaan barnaamijyo colaadeed, taasoo mararka qaarkood dhalisa Dagaal beeleed soo noqnoqda.

 

Beesha Madhibaan waxay talo ahaan u soo jeedinaysaa in beelaha 4-ta ah dhinac la iska dhigo, maadaama aan laga fileyn wax is beddel ah oo ay la imaan doonaan, xilalka ugu sareeya Dowladda Federal-kana loo dhiibo Beesha 5naad.

Haddii Beesha 5naad, ay qabtaan Xilalka ugu sareeya Soomaaliya waxaan imaan doono Isbeddelka ay sugayeen Shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka, waxaana laga nasanayaa khilaafkii soo noqnoqon jiray beelaha Soomaaliyeed ee ku dagaalama siyaasada Soomaalia.

 

Sababta loogu dhiibay Beesha-5aad waa qodobada soo socda:

1- Beesha 5naad waxay la dagaan Qabiil kasta oo soomaaliya dagan, waxayna yaqaanaan degaan dhaqameedyada Soomaliyeed oo dhan,waxay abuuri karaan awood qeybsi ku salaysan Dimoqraayda waarta, waxayna soo celin doonaan sharici iyo kala dambeyn ku dhisan sinaan, cadaalad iyo eexasho la’aan.

2- Beesha 5aad waxay Soomaaliya gaarsiinkartaa Doorasho “qofkasta uu dhiibto codkiisa” oo loo yaqaano “ hal qof iyo hal Cod,”waana beel dhexdhexaad ka ah siyaasadda Soomaaliya, kamana aysan qeyb gelin dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay, beelaha 4-ta ahna way aaminayaan, waana soo dhawaynayaan.

3- Sooyaalka Taariikheed waxaa ku xusun in Beesha 5aad lagu shaqaaleyn jiray xirfaddooda, oo aan lagu shaqaalayn qaab beeleed, maadaama Beesha 5aad ay khibrad dheer ay u leeyihiin qaabka shaqaalaynta Xirfadda, nidaamkaasna Soomaaliya oo dhan way ka hirgelin karaan, waxay kaloo Beesha 5naad hirgelinaysaa Manaahaj ay ilaaliso Dowladda oo ku salaysan ishdexgalka bulashadeed, kana fog xagjirninmada iyo eexashada Qabeeleed.

4- Beesha 5aadwaxay abuureysaa warbaahin dhexdhexaad ah oo ka fog wax kasta oo colaad abuuri kara, kuna salaysan wacyigelin bulshadeed iyo mid siyaasadeed, waxayna daweynaysaa dhibaatooyinkii laga dhaxlay Sad-bursiga deegaamada, dhaqaalaha iyo kan siyaasadeed oo ay abuureen Beelaha 4-ta ah ee Soomaaliyeed.

5- Beesha 5aad waa xalka dhibaatada Soomaaliya, waa “alternative Solution” waana Daawada kaliya ee lagu daaweyn karo dagaalada ka dhexeeya beelaha Soomaaliyeed.

Beesha-5aad waxay abuuridoonta ayadoo kaashanaysa beesha caalamka Dib-uheshiin waarta oo ka dhex dhacda beelihii walaalaha ah ku hardamay dagaalkii sokeeye ee soomaalia ka dhacay.

Beesha-5aad waxay ilaalin doonta dalka, dadka, Diinta, dhaqanka wanaagsan, Dastuurka ummadda Soomaliyeed u yaala iyo Qawaaniinta Caalamiga ah.

Waxaan rajeynaynaa in Beelaha Soomaaliyeed iyo beesha calaamku ay aqbalaan talo soo jeedinta ka timid Beesha Madhibaan.

 

Mahadsanidin Dhamaantiin

Wixii su’aala ah iyo tixraac la xiriir

Madaxa iyo Af hayeenka Beesha Madhibaan

Ahmed Abdullahi Abdi (Ahmed Gurey)

e-mail: ahmed.kooshin1@gmail.com

Mobile # 971 50 522 2919