Paul Kagame Oo Ku Dhawaaqay Inuu Markii 3aad U Tartamayo Xilka Madaxtinimada

0
304

Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame ayaa xaqiijiyay in mar saddexaad uu dib isku soo sharaxayo doorashada dhici doona sanadka 2017.

Ku dhawaaqistan ayaa aheyd mid la filayay, kadib markii dhowaan afti loo qaaday in wax ka bedel lagu sameeyo dastuurka dalkaas, taasoo u ogolaaneysa Mr Kagame in mar saddexaad isu soo sharaxo, isla markaana xukunka sii haayo illaa sanadka 2034.

Mr Kagame ayaa sheegay in dadka reer Rwanda ay cadeeyeen rabitaankooda oo ah qofka ay doonayaan inuu dalka hogaamiyo kadib sanadka 2017, taasna uu isaga aqbalay.

Paul Kagame ayaa xilka Madaxtinimada dalkaas qabtay sanadkii 2000, waxaana tan iyo sanadkii 1994 uu dalkaas ka dhacay xasuuq, wuxuu ahaa nin saameyn badan ku lahaa dalkiisa.

Madaxweynaha Rwanda ayaa lagu ammaanay in dalkiisa uu horumar dhinaca dhaqaalaha ah gaarsiiyay, hase yeeshee waxaa jira eedeymo loogu soo jeedinayo dhinaca xuquuqda aadanaha iyo keli talisnimo.