Qaban qaabada Guddoomiyaha Baarlamaanka Kofur Galbeed oo Hada Baydhabo ka socota

0
364

Guddiga Doorashooyinka Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Koofur Galbeed ayaa sheegay in ay socoto qaban qaabada lagu dooranayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaasi iyo Kuxigeenadiisa.

Guddoomiyaha Guddigaasi Madoobe Nuunoow Maxamed oo la hadlay Radio Hiranweyn ayaa sheegay in maanta Musharaxiinta u taagan Qabashada Xilka Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Jubbaland iyo Kuxigeenadiisa ay Baarlamaanka ka hor jeedin doonaan,iyadoo Barina loo balansan yahay in Doorashada Guddoomiyaha iyo Kuxigeenkiisa la doorto.

Guddigaan loo xil saaray Dar dar galinta Doorashadda Guddoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed iyo Kuxigeenadiisa ayaa ka kooban 13-Xubnood.