Qaramada Midoobay Oo Ka Walaacsan Nolosha 4.9 Million Qof Oo Soomaali ah

0
383

Hay’adaha gargaarka Qaramada Midoobay ee ka shaqeeya Soomaaliya ayaa sheegay in todobaadka soo socda ay bilaabi doonaan racfaan ay ku doonayaan 885 million oo Dollar si ay wax uga qabtaan xaaladaha bini-adanimo ee ka jira wadanka Geeska Africa ku yaalo sanadka 2016-ka.

Xafiiska isku xirka arimaha bini-adanimo ee Qaramada Midoobay (OCHA),ayaa sheegay in ku dhawaad 4.9 million oo Qof Soomaali ah u baahan yihiin gar gargaar bini-aadanimo,waxaana dhaqaalahaan suurta gelin doonaan In Hay’adaha gargaarka ay gaaraan 3.5 million Qof sanadkaan gudahiisa.

” Tani waxaa ka mid ah 1 million Qof oo hada wajahaya Cunto yari,halka 3.9 million wali u nugul yihiin naxdinta,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Xafiiska isku xirka arimaha bini-adanimada ee Qaramada Midoobay.

Roobka dabeylaha wata ee ElNino ayaa Hay’adaha gargaarka ay sheegeen iney waxyeelo u geysteen dad gaaraya 145,000-Qof sanadkii tagay,taasi oo sii xumeysay xaalada bini-adanimo ee Soomaaliya.

Sidoo kale,warbixinta Hay’ada ayaa lagu sheegay in hada Qaramada Midoobay Hay’adaheeda gargaarka ay u baahan yihiin lacag gaareysa 885 oo Dollar,si loo dhameystiro baahida 3.5 million Qof oo xaalado bini-adanimo Soomaaliya ku wajahaya.

Sanadkii tagay ee 2015, Wada howlgalayaasha bini-aadanimo waxay awoodeen iney gar gaar gaarsiiyaan ku dhaawad 2.5 million oo qaarkood u baahnaayeen gar gaar deg deg ah oo noloshooda lagu badbaadinayo.