R/Wasaaraha Soomaaliya Oo Loga Yeray Xarunta Golaha Shacabka Si Loo Weydiiyo……..

0
672

Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya  ayaa u yeeraan Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Dr. Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, si ay wax kaga weydiiyaan duqaynta ay Kenya ka wado Gobolka Gedo.

Duqayntan, ayaa waxay waxyeelo wayn ka soo gaareysaa dadka iyo duunyadaba ee ku dhaqan Gobolkaasi Gedo, taasoo aanay jirin cid si buuxdo ugala xisaabtameysa Kenya, waxyeelada cad ay shacabka Somaliyeed u gaysaneyso.

Qoraal ay soo saareen Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayaa waxaa Ra’iisal Wasaaraha looga dalbady in illaa 30-ka bishan laga doonaayo in uu ku yimaado Xarunta Golaha Shacabka.

Xildhibaan Maxamuud Cali Magan oo qoraalkaasi ka hor akhrinaayay Xildhibaanada, ayaa waxaa lagu sheegay in Ra’iisal Wasaaraha wax laga weydiin doono sababta, ay Madaxda Dowladda kaga aamuseen duqaynta ay Kenya ku hayso maatida.

Xildhibaan Maxamuud Cali Magan, ayaa cambaareeyay in Dowladda Somaliya ay u tacsiyadeyso dadka reer Kenya, marka ay dhibaato kaga timaado Al Shabaab, isla-markaana aanay kaba hadlinba, marka ay Kenya waxyeelayneyso shacbiga Somaliyeed.

Madaxda Dowladda Somaliya waxaa ceeb wayn ku ah inaanay ka hadli karin gumaadka guracan, ee diyaaradaha dagaalka Kenya ku hayaan bulshada Somaliyeed, ee ku nool deegaanada ka baxsan Degmada Ceelcadde.