R/Wasaaraha Soomaaliya Oo Raja Wanaagsan Ka Muujiyay Go’aanada Kasoo Bixi Karo Shirka Kismaayo

0
357

Ra’iisal wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmarke oo khudbad ka jeediyay shirka madasha Wadatashiga Qaran ee maanta ka furmay magaalada  ayaa sheegay in shirkaan muhiimad gaar ah u leeyahay shacabka Soomaaliyeed,

Cumar Cabdi rashiid R/wasaaraha dalka waxa uu shegay in u jeedka shirka  ay tahay sidii lagu carabaabi lahaa nuuca doorasho ee la doonayo iney dalka ka dhacdo sanadkaan 2016-ka.

Sidoo kale,Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ayaa hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in go’aan mideysan laga gaaro khilaafka soo noq noqday ee ku aadan qabsoomida shirarka looga hadlayo aayaha dalka.

Cumar C/rashiid Cali Sharmarke waxa kale uu carabka ku adkeeyay in aragtiyadii kala duwanaa ee lagu soo uruuriyay shirarka madasha wadatasha ee ka dhacay dalka shirka hada socda go’aan mideysan looga gaaro.

Shirka magaalada Kismaayo maanta ka furmay ayaa maalmo kooban dib u dhac ku yimid,waxaana hareeyay kala aragti duwanaasho u dhaxeeya madaxda Qaranka iyo maamulka Goboleedyada dalka,kaasi oo ku aadan hanaanka doorasho ee dalka ka dhaceysa.