Shir Looga Hadlayay Doorashada Soomaaliya Oo Lagu Wado Inuu Ka Furmo Kismaayo

0
382

Magaalada Kismaayo ayaa maalinta berito ah la filayaa in uu ka furmo Shirka looga hadlaayo nooca Doorasho ee Somaliya ka dhaceysa sanadka 2016-ka Bartamihiisa.

Shirkaan ayaa lagu waday maanta oo Axad ah inuu ka furmo Magaalada Kismaayo, hayeeshe dib u dhaciisa ayaa sabab looga dhigay arimo farsamo awgiis.

Afhayenka Maamulka Jubbaland C/naasir Seeraar Maax, ayaa sheegay qorshaha inuu yahay in berito uu shirka Kismaayo ka furmo.

Waxa uu sheegay shirkaan inay isugu imaan doonaan dhamaan Madaxweynayaasha Maamul Goboledyada dalka ka jira, kuwaasi oo ku tashan doono magaalada Kismaayo, kadibna go’aan ka gaari doona nooca Doorasho ee Somaliya ka dhaceysa.

Madaxweynaha Somaliya Xasan Shekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamanka, ayaa lagu wadaa inay tagaan Kismaayo oo shirkaasi ay ka qayb galaan.

Shirar kala duwan ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho oo la doonaayay in lagu iclaamiyo nooca doorasho ee Somaliya ka dhaceysa sanadka 2016-ka Bartmahiisa, balse Isfahan waa yimid awgiis aye suurtagal u noqon weyday in la shaaciyo Doorashada.

Maamulada qaar ayaa taageersan in hab deegaan lagu saleeyo Doorashada halka Maamulada qaarna ay doonayaan in Doorashada lagu saleeyo Nidaamka 4.5.