Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo La shaciyay Waqtiga Uu Ka furmi doona Jowhar

0
457

Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Gobolka shabellaha Dhaxe ayaa todobaadkan ku jirta diyaar garowgii u dambeeyay ee shirka maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, iyadoo ay marti gelin doonto boqolaal ergey, siyaasiyiin iyo musharaxiin u hanqal taagaya madaxtinimada maamulkaas dhowaan dhalan doono.

Labadii maalmood ee u dambeeyay ayaa waxaa magaalada ka jiray diyaar garow habeen iyo maalin ahaa, waxaana dadweynaha magaalada ay isu diyaariyeen shirka la filayo in todobaadkan dhaco, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin maalinta.

Shirka ayaa la filayaa in maalinta Talaadada ee soo socota uu si rasmi ah u furmo, iyadoo uu furi doono Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, sida ilo wareedyo muhiim ah ay  xaqiijiyeen.

Wafuud kala duwan ayaa magaalada gaareysay, si ay u soo indha indheeyaan qaban qaabada shirka iyo halka ay wax marayaan, iyadoo Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe uu si aad ah isugu howlay sidii shirka u marti gelin lahaa, isla markaana sameeyay tallaabooyinkii looga baahnaa marti gelin magaalo ee shirar la mid ah kuwii horay uga dhacay magaalooyinka dalka.

Sidoo kale diyaar garowga magaalada ka socota waxaa bar bar socda howl galo lagu sugayo amniga, waxaana gaaray magaalada ciidamo xoojinaya ammaanka guud ee magaalada, kuwaasoo howl galo ka sameeyay xaafadaha qaar ee ku dhow dhow shirka.

Iskuulada kala duwan ee magaalada ayaa la fasaxay inta uu socdo shirka, waxaana ardayda loo soo hormariyay fasaxooda, maadaama goobaha shirka ka dhacayo iyo halka la dejinayo ergooyinka ay ka ag dhow-yihiin goobaha waxbarashada, sidaas darteed ay xaalad amni darteed u suura geli karin in ardayda ay iskuulada dhigtaan.

Dadka reer Jowhar ayaa dareemi doona todobaadyada soo socda culeys amni oo aanay horay u soo marin, iyadoo lagu wado in wadooyinka qaar magaalada la xiro, gaar ahaan wadooyinka soo gala halka shirka ka dhacayo iyo goobaha ay degan yihiin ergooyinka.

Ka sokow diyaar garowga uu maamulka ugu jiro marti gelinta shirka waxaa bar bar socda diyaar garow kale oo ay wadaan musharaxiinta durbaba la calaamadeeyay ee aan si rasmi ah ugu dhawaaqin ololahooda musharax, iyadoo musharax walba uu magaalada ka sameystay hoy iyo halka uu ololihiisa ka bilaabayo, waxaana sare u kacay qiimaha kirada hotelada iyo guryaha gaarka loo leeyahay.

Indhaha dadka Soomaaliyeed ayaa waxay ku sii jeedaan magaalada Jowhar oo ka soo bixi doona maamulkii ugu dambeeyay oo federaal ah.

Si kastaba ha ahaatee maalmaha furitaanka shirka hiiraan iyo shabellha dhaxe ayaan la ogeyn sida uu ku furmi karo madama ay jiraan guux hoose oo ku adan in dadkaReer Hiiraan aysan diyaar u aheyn in ay kaqeyb galaan Madama uu wali socdo shirkii samadoon ee uu so agaasimay AUN  Ugaas Cabdi Raxmaan Ugaas Khaliif Kaas oo laga War dhowrayay  waxa Ka sobixi doono .