Shirka Madasha Qaran oo Kismaayo ka Furmaya maanta

1
290

Waxaa maanta oo Talaado ah lagu wadaa inuu Magaalada Kismaayo ka furmo  Shirka Madasha Qaran Ee lagu Go’aaminayo Doorasho ka dhacda Soomaaliya Sanadkaan aan ku jirno,iyadoo halkaa ay ku sugan yihiin Madaxweyneyaasha Maamul Goboleedyada iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Beesha Caalamka.

Shirka oo la filayay inuu furmo 10-kii Bishaan ayaa dib u dhacay,waxaana loo balamay 11-kii Bishaan,balse mar kale ayaa waxaa ku yimid dib u dhac,waxaana la filayaa inuu maanta Kismaayo ka furmo Shirkaasi.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu furo Shirkaasi,iyadoo sidoo kale uu isla maanta Jowhar ka furayo Shirka Maamul u sameynta Labada Gobol Ee Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Itoobiya ayaa Xalay Kismaayo kulan kula yeeshay Madaxweyneyaasha Maamulada Puntland,Galmudug,Koofur Galbeed iyo Jubbaland,kuwaas oo ay isla soo qaadeen Arrimo dhowr ah oo Amnigu uu ka mid yahay.

Ammaanka Magaalada Kismaayo Ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa si weyn loo adkeeyay,iyadoo Goobaha u dhaw halka Shirka lagu qabanayo la geeyay Ciidamada Dowladda Soomaaliya,Ciidamada AMISOM iyo kuwa Mamaulka Jubbaland.

 

Comments are closed.