Shirka madasha wada tashiga qaran oo maalintii labaad ka socda Magaalada Kismaanyo

0
346

Magaalada Kismaanyo ee xarunta KM ka ah ee Maamulka Jubbaland ayaa waxaa maanta ka sii socda shirka Madasha wada tashiga qaran ee looga hadlayo hanaanka doorasho ee Soomaaliya sanadka 2016-ka dalka ka dhacaysa.

Sida uu sheegay Afhayeenka Maamulka Jubbaland Cabdinaasir Seeraar Maax Maanta ayeey markale is arki doonaan Madaxda Somalida ee kuwada Ku sugan Magaaladda Kismaayo oo ay uga arinsanayaan doorashada Soomaaliya.

Shirka oo shalay uu furay Madaxweynaha somalia Xasan shiikh maxamud ayaa Diiradda lagu saarayaa sidii Looga Arinsanlahaa Nooca Doorasho ee Dalka Ka dhici Karta Bisha, August E Sanadkan.

Afahayeenka Ayaa Sheegay in Maanta ama Barri Si rasmi ah Loo soo Gaba-Gabeen Doono Shirka Madasha Qaran ee Aayaha Somaliya, Kaas oo Kala Aragti duwanaasho Ay Ka jidho iyadoo la filayo in laga soo saaro heshiiska ku saabsan hanaanka doorasho ee dalka ka dhacay 2016.

Maamuladda Puntland iyo Jubbaland, Ayaa Doonaya in Doorashada Sanadkan Laga dhigo Qaab Deegaan ah, Halka Galmudug iyo Koonfur Galbeedna Ay Doonayaan in laga dhigo Nidaamka 4.5