Shirka Madasha Wadatashiga Qaran oo la filaayo in maanta Kismaayo ka furmo

0
326

Wararka aan ka helayno Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubadda hoose, ayaa sheegaya in lagu wado maanta in Shirka Madasha Wadatashiga Qaran uu si rasmi ah kaga furmo Magaaladaasi.

Shirkan oo baaqday labadii maalin ee aynu soo dhaafnay, ayaa sababaha uu u baaqday ay tahay Madaxweynaha Somaliya oo aanan weli tagin Magaalada Kismaayo oo laga sugaayo.

Sida wararka ay sheegayaan Madaxweynaha ayaa maanta tagaya Magaalada Kismaayo, waxaana la filayaa inuu halkaasi shirka ka furo.

Ammaanka Magaalada Kismaayo ayaa si weyn loo adkeeyay oo waxaa la arkayaa ciidamada Maamulka Jubbaland iyo kuwa Amisom oo iska kaashanaya xaqiijinta ammaanka.

Shirkaan Madasha Wadatashiga Qaranka ayaa la filayaa in lagu shaaciyo nooca Doorasho ee la filaayo in Somaliya ay ka dhacdo sanadkaan gudihiisa.