Shirka Wada Tashiga Qaran Oo Lagu Wado In Biri Uu Ka Furmo Kismaayo

0
268

Shirkii Kismaayo oo lagu waday inuu furmo gellinkii dambe ee maanta oo Arbaco ah ayaa mar kale dib u dhacay, taasoo Mas’uuliyiinta Jubba-land ay u sababeeyeen iyadoo Qaar ka mid ah xubnaha Beesha Calaamka shirka ka Qayb-geli lahaa aysan weli  gaarin Kismaayo.

Wasiirka Warfaafinta Jubbaland, C/nuur Cali Aadan oo shir jaraa’id Kismaayo ku Qabtay ayaa sheegay in Shirka Wada-tashiga Qaran ee maanta Kismaayo ka Furmi lahaa uu dib u dhacay, balse uu rasmi ahaan u furmi doono maalinta berri ah.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in mas’uuliyiintii shirka ka qayb-geli lahaa ay intooda badan magaalada Kismaayo soo gaareen, laakiinse ay sugayaan xubno Beesha Caalamka ka socda.

Wasiir C/nuur Cali Aadan ayaa sheegay in shirkan ay Soomaalidu leeyihiin, waxaana marti-gelinaya Soomaali, mana jiraan wax dhibaato ah. Annaga ayaa Tashanayna. wixii kasoo baxana Soomaali ayaa iska leh.

Shirkan oo ahayd inuu furmo 10-ka bishan Janaayo ayaa dhowr jeer dib u dhacay, taasoo ay sabab u ahayd iyadoo mas’uuliyiintii Shirkaan ka Qayb-geli lahaa aysan gaarin magaalada Kismaayo.