Shirkii Kismaayo Oo La Isku Mari Laayahay Iyo Madaxda Dowlada Oo Cadaadis Lagu Saaray….

0
368

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa shegaya in weli ay muuqata in la isku mari la’yahay Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee ka socda Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubadda hoose, halkaasi oo ay ku shirayaan Madaxda Somalida.

Waxyaabaha la isku haysto, ayaa waxa ay tahay Doorashada labada Aqal ee Dowladda oo ah Aqalka sare iyo Aqalka Baarlamaanka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in xubnaha Beesha Caalamka ee tagay Kismaayo ay ka dalbadeen Madaxda Soomaalida in aanay kala tagin illaa aysan ka gaarin go’aan ay ku mideysan yihiin, waxaana shalay mar lagu sigtay in Kismaayo lagu soo kala tago.

Kulamo gaar gaar ahaa ayaa shalay illaa xalay u socday Afarta Madaxweyne ee Maamul goboleed oo ay wehliyaan Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamanka iyo Ra’iisul Wasaaraha, waxaana mar walba adkeyd in la isku raaco war murtiyeed loo dhan yahay oo shirka ka soo baxa.

Qodobada qaar ee la isku diidan yahay ayaa waxaa ka mid ah in Aqalka sare lagu soo xulo qaabka 4.5, halka kan Baarlamaankana lagu soo xulo hab deegaan, waxaana tala soo jeedintaas qaba Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo isku mowqif ah.