Shirkii Wada Tashiga Qaran Oo Ka Furmay magaalada Kismaayo

0
290

Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose waxaa Goor-dhow ka Furmay Shirka Wada-tashiga Qaran oo ah mid looga tashanayo qaabka doorasho ee dalka ka dhacaysa sannadkan 2016-ka dhammaadkiisa.

Furitaankii shirka ayaa waxaa ka hadlay madaxweynaha Dowlada Soomaaliya  mudane Xasan Shiikh Maxmauud iyo dhammaan madaxweynayaash maamul-goboleedyada Soomaaliya  iyagoo hadalladooda ay u badnaayeen kuwo mahad-celin ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in sihrkan uu yahay mid Soomaalidu ay isugu timid; ayna uga tashanayaan aayaha dalkooda, wuxuuna ku daray intaas in shirkan uu yahay guul u soo hayatay dadka soomaaliyed.

Sidoo kale Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] oo  furitaanka shirkaan ka hadlay ayaa sheegay in shirkan looga tashan doono aayaha Somalia iyo doorashooyinka dalka ka dhici doona.

Madaxweynayaasha maamullada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Puntland oo dhamaantood madasha ka hadlay ayaa sheegay in shirkan ay ku go’aaminayaan doorashada dalka ka dhici doonta sannadka 2016-ka.

Furitaanka shirka kaddib ayaa waxaa lagu wadaa inmas’uuliyiinta ka qayb-galaysa ay kulammo gooni-gooni ah ku yeeshaan guriga martida Kismaayo; kulammadaas oo aanay goobjoog ka noqon doonin saxaafadda.