Soomaalida Minnesota oo ka wal-walsan muuqal ka soo baxay al-Shabaab

0
565

Soomaalida ku nool gobolka Minnesota ee dalkan Mareykanka ayaa soo bandhigay aragti ay ku doonayaan dadka kale in lugu fahansiiyo al-Shabaab inaysan u hadli karin islaamka,sida ay sheegtay Hodan Xasan oo ah guddoomiyaha guddi u istaagay ka hortagista iyo ka hadalka dhibaatooyinka Soomaalida gobolka.

Ururka al-Shabaab ayaa dhawaan soo saaray farriin muuqaal ah oo ay diiradda ku saarayso tacaddiyo ay sheegtay inay gaysanayso dowladda Mareykanka sida toogashooyinka booliska ay u gaystaan dadka Madowga ahi iyo baaqii dhowaa ee musharraxa madaxtinnimada Mareykanka ee xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ee ahaa in dadka Muslimiinta ahi laga mamnuuco galintaanka Mareykanka.

Muuqaalkan oo lagu faafiyey baraha internet-ka ee taageera al-Shabaab, ayaa soo hadal qaadayay magaalooyinka mataanaha ah ee Minneapolis iyo Saint Paul ee gobolka Minnesota, iyo dhalinyaradii horey halkaa uga tagay ee ku biiray al-Shabaab iyo ururada kale ee argagixisada.

Kulan ay shalay ku yeesheen magaalada Minneapolis Soomaalida ku nool ayey ku cambaareeyeen fidiyowgaas, waxeyna ugu baaqeen dhallinyarada Muslimiinta inay sidaa oo kale u cambaareeyaan.

Culumda iyo qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha Mujtamaca Soomaalida ee gobolka ayaa sheegay inuu jiro walaac uu abuuri karo muuqalka cusub ee ka soo baxay al-Shabaab.

Ururka oo hadda noqday labo garab,waxaa ka bar-bar dagaallama dhallinyaro badan oo ka timid Marekanka,qaarkood waxaa ay fuliyeen weerarro ismidaamin ah oo ka dhacay gudaha Soomaaliya