Ugaas C.raxmaan Ugaas Khaliif Waxa Uu Ahaa Aabihii Nabada Ee Gayiga Soomaaliyed…

1
418
????????????????????????????????????

Baledweyne, 3 January 2016: Musharax Cabdiraxmaan xuseen cadoow oo u taagan qabashada Madaxweynaha maamulka hiiraan iyo shabelaha dhexe ayaa tacsi u diray qoyskii, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Allah u naxariistee Marxuum Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo maanta ku geeriyooday magaalada Beled Weyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

“Innaa Lillaahi wa inaa Ileyhi Raajicuun. Allah u naxariisto marxuumka. Waxaa lagu xusuusan doonaan hawlihii muhiimka ahaa ee uu u hayey bulshada sida nabadeynta iyo dib u heshiisiinta oo uu wadey ilaa ay geerida uga timaaddo. Waxaan Ilaahay uga baryaya naxariistii inuu Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, qoyskii , eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodayna uu samir iyo iimaan ka siiyo’’, ayuu yiri Musharax Cabdiraxmaan Xuseen cadoow,

Musharax Cabdi raxmaan ayaa sheegay in Marxuum Ugaas Cabdiraxmaan uu ahaa shakhsi dadaal badan ku bixiyey inuu bulshada iyo nabadeynta gayiga soomaaliyed isla markaan ay heclaayen dadka soomaaliyed.

—DHAMMAAD—

Comments are closed.