Ugaas C/Laahi Ugaas Xaashi Oo ka Tacsiyeeyay Geeridii Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif

0
977

Ugaas Cabdulaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracade oo ah kamid ah Salaadiinta Soomaaliyeed ahna Ugaaska Guud ee Beesha Murusade ,ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii naxtinta laheed ee maanta ku timid Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo ahaa Ugaaska Beesha Xawaadle.

Waxa uu sheegay Ugaas Cabdulaahi in uu aad uga naxay Geerida deg deg ah ee ku timid Ugaas Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble, waxa uuna tilmaamay in Ugaasku ahaa nin ka dhintay guud ahaan Umada Soomaaliyeed ayna xasuusan doonaan.

”Ugaaska umada Soomaaliyeed ayuu ka dhintay, waxa uu ahaa Ugaas u taagnaa ka shaqeynta Nabada Gobolka Hiiraan iyo guud ahaan Soomaaliya, waxaan tacsi u dirayaa Guud ahaan Umada Soomaaliyeed gaar ahaan eheladii iyo qaraabadii uu ka baxay Ugaas Caabdirxamaan Ugaas Khaliif” Ayuu yiri Ugaas Faracade

Allaha u Naxariistee Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble ayaa saakay ku geeriyooday Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, Ugaaska ayaana u geeriyooday xanuun deg deg ah oo kusoo booday.