DEG DEG Wafdi U Hogaminayo Gudoomiyaha G/Bolka Hiiraan Oo Goor Dhaw Garay Jowhar

1
436

Wafdi u hogaminaayo gudoomiyaha g/bolka hiiraan yuusuf axmed hagar yusuf dabo.geyd ayaa gor dhaaw waxaa aay gareen magalada jowhar ee xaruunta g/bolka sh/dhaxe halkaasi oo si diraan loogu soo dhaweyay.

wafdiga gudoomiyaha waxaa qeyb ka ah ergoyin kascda g/bolka hiiraan kuwa oo ka qeyb galaya dhismaha mamuulka hiiraan iyo sh/dhaxe.

Ergooyinka ka socda gobolka Hiiraan waxaa kale oo ka mid ah odayaasha dhaqanka, xildhibaano iyo siyaasiyiin ka tirsan gobolka Hiiraan, iyadoo loo sii galbiyay goob loo sii diyaariyay.

Garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar waxaa ku soo dhoweeyay ergooyinka gobolka Hiiraan xubno ka tirsan maamulka gobolka Sh/dhexe oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cali Guudlaawe Xuseen iyo saraakiil kale.

Dhinaca kale waxaa saacadaha soo socda la filayaa inuu magaalada Jowhar gaaro wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud si uu halkaasi uga furo shirka maamul u sameynta gobolka Sh/dhexe iyo Hiiraan.

Comments are closed.