Wafuud Kala Duwan Oo Soo Gaaray Magaalada B/weyne Si Ay Kaga Qeyb Galaan Aaska Ugaas C.raxmaan

1
425
????????????????????????????????????

Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan oo ay ku soo qulqulayan wafuud kala duwan si ay kaga qeyb galaan aaska ugaas c.raxmaan ugaas khaliif ugaas rooble ayaa waxa maanta soo gaaray degmada b.weyne ee raxuna gobolka hiiraan.

Wafuuda soo gaaray baledweyne ayaa isugu jiraan wasiiro xildhibaano ugaasyo odayaal dhaqamed culimaa-udiin waxgarad aqoon yahano masuuliyiin horay xilal kala duwan ugu soo qabtay dowladihii dalka soo maray waxana garoonka diyaaradaha ku soo dhaweyey maamulka gobolka taliska ciidamda amison iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada b/weyne.

Shalay ilaa iyo maanta magaalada b.weyne ee xaruna Gobolka hiiraan waxa soo gaarayay masuuliyiin ka tirsan dowlada ugaasyo aqoon yahanno ganacsato qurba joog iyo dadweyne kale kuwaa oo doonaya iney ka qeyb qaataan aaska ugaas c.raxmaan ugaas khaliif oo shalay ku geeriyoday Magaalada B/weyne.

Masuuliyeenta manta b/weyne soo gaartay ayaa hada kulama la leh maamulka gobolka hiiraan iyo golaha odoyaasha dhaqanka kuwaas oo ka arinsanayo qaabkii loo aasi laha allaaha u naxariistee ugaas c.raxman ugaas qaliif oo shalay ku geeriyooday magaalada b.weyne

Goor Dhaw la Soco Sawirada Wafooda Soo Gaareya Magaalada Baledweyne Inshaa allaah.

Comments are closed.