War Deg Deg ah” Dagaal Maalintii Labaad Ka Socda Degaana Hoosyimaada Magaalada B/weyne

0
409

Waxa maalintii labaad duleeydka deegaanka buq guusaar ee gobolka hiiraan ka socda gestay dagaal u dhaxeya laba maleshiya belod iyado qasaaraha isgu jira dhimasha iyo dhawaac waxana ugu yaraan dagaalkaasi ku dhinta 10 ruux halka in kabadan 15 kalane ay ku dhawaacmen.

Goobta uu dagaalka ka dhacay ayaa waxa kamid ah degaanka buqgoosaar iyo deegaano hoos yimaado  waxana uu dagaalka uu u dhaxeeyaa laba maleeshiyo beeleed, oo wada daga deegaanadaasi .

Dagaalka saakay dhacay ayaa sababay baragac dad shacab ah ee ku noola goobaha lagu dagaalamay sida uu  Radio hiiraanweyn u xaqiijiyey mid kamid ah dadka ku nool deegaanadaasi

Todobaadkan sii dhamaanaya waxa degaanadaasi ka jiray xiisada colaaded oo u dhaxeyay labada maleshiya beled ee maalintii labaad ku dagaalamaya degaanka buqgoosaar iyo degaana kale oo hoosyimada kana wada tirsan Gobolka Hiiraan.

Dagaalkan ayaa u dhaxeeyo maleeshiyaadkii dhawaan lagu heshiisiiyay magaalada beledweyene  waxana la ogeyn sababta uu dagaalka labada maleeshiyo u dhaxeeyoo uu dib ugu soo laabtay iyo waxa  rasmiga ah ee ay isku hayaan waxana laga cabsi qabaa in dagaalka uu ku baaho deegano kale oo hor leh

La soco Wararkeena Danbe Insh allah