War Deg Deg ah” Dowlada Soomaaliya Oo Xiriirka U Jartay Dowlada Iiraan Kadib…..

0
511

Iyadoo la fulinayo go’aanka ka soo baxay Golaha Wasiirrada Xukuumadda  Soomaaliya ,January 07,2016 , Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga waxa ay u yeertay Sii hayaha Safaaradda Jamhuuriyadda Islaamiga Iran ee Muqdisho , waxa ayna gudoonsiisay go’aanka , waxaana laga codsaday in isaga iyo diblomaasiyiinta kale ee Iran ay dalka uga baxaan muddo 72 saacadood gudahooda.

Tallaabadan ayaa timid kadib baaritaan dhab ah oo la sameeyay , laguna ogaaday in Iran ay ka fulineysay Soomaaliya howlo qalqal gelinayay amniga,deganaanshaha ,wadajirka iyo midnimada Ummadda Soomaaliyeed.

Xukuumadda Soomaaliya waxa ay ugu baaqeysaa Iran inay xushmeyso madax banaanida dowladaha, joojiso faragelinta gudaha, ilaaliso qawaaniinta , heshiisyada caalamiga ah iyo cahdiga Vienna ee xiriirada diblomaasiyadeed.