Wararkii ugu dambeeyay Iyo Shirkii Kismaayo

0
387

Magaalada Kismaayo Ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose wararka ka imaanaya ayaa sheegaya in Maanta halkaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu kulamo gaar gaar ah oo Saxaafadu ay dibadda ka joogto kula leeyahay  Madaxweyneyaasha Maamul Goboleedyada.

Kulamada ayaa la sheegay in looga hadlayo sidii Madaxda Soomalida ay go’aan rasim ah uga qaadan lahaayen  Doorasho ka dhacda Soomaaliya daba yaaqada Sanadkaan.

Madaxweyneyaasha Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa qaba in Dhismaha Labada Aqal ee kala ah Aqalka Sare iyo kan hoose lagu saleeyo Gobol iyo Degmo,halka Koofur Galbeed,Galmudug iyo Wakiilada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe ay qabaan in Nidaamka 4.5 wax lagu qeybsado.

Wararka ayaa intaa ku daraya in galabta la sheecin doono War-murtiyeedka ay ku heshiiyaan Hogaamiyaasha Soomaalida ee Kismaayo ku kulan san.