WARBIXIN:Labada Xidig Ee Lionel Messi Iyo Cristiano Ronaldo Oo Muddo Sanado Badan Ah Kubbada Cagta Rekoodh Walba Ka Soo Jabiyay Oo Caawa Haddii Uu Messi Gool Dhaliyo Tiro Khaas Ah Gaadhi Doona Iyo Faah Faahinta Xogtan

0
1439

Lionel Messi iyo Cristaino Ronaldo ayaa muddo toban sano ku dhaw iska yeeshay abaal marinta kubbada cagta aduunka ugu qaalisan ee Ballon d’Or-ka, waxayna wada jir ahaan ugu guulaysteen 8 jeer oo xidhiidh ah. Messi oo hadda haysta abaal marintan ayaa shan jeer ku guulaystay halka Ronaldo oo sanadkii hore hantiyay uu saddex jeer qaaday, waxayna sidaa isku dar ahaan ku haystaan 8 Ballon d’Or-ka.

Haddii ay Ronaldo iyo Messi rekoodh ku haystaan isku darka abaal marinta kubbada cagta aduunka ugu qaalisan ee Ballon d’Or-ka, waxay caawa gaadhi karaan tiro gaar ah oo isku darka goolashooda ah.Messi iyo Ronaldo  muddo sideed sano ah oo waliba xidhiidh ah ciyaartoyda aduunka uga dhaartay in ay hal mar ku guulaystaan Ballon d’Or-ka.

Haddii uu caawa Lionel Messi shabaqa soo tabato marka ay Barcelona soo dhawayso Athletic Bilbao ee kulanka lugta labaad ee Copa Del Rey, ayuu isku darka goolashiisa iyo Ronaldo ka dhigi karaa 1000 gooloo waayahood ciyaareed ah, waana goolasha ay ka dhaliyeen heer kooxeed iyo heer qaranba.Messi iyo Ronaldo ayaa hadda wada jir ahaan u leh 999 gool.Messi and Ronaldo2

Tan iyo markii uu Lionel Messi goolkiisii ugu horeeyay udhaliyay Barcelona bishii May 2005 kii ayuu guud ahaan dhaliyay 481 gool oo ay ku jiraan 49 gool oo uu udhaliyay Argentina. Messi ayaa goolkiisii ugu horeeyay Barcelona dhaliyay kulan uu badal xili danbe ah ku soo galay kulankaas oo ay Barcelona 2:0 ugu awood sheegatay kooxda Albacete.Lionel Messi ayaa 481 gool ee waayihiisa ciyaareed ee Barcelona iyo Argentina ku dhaliyay 611 kulan.Lionel-Messi-celebrates-scoring-for-Barcelona-in-2005

Messi ayaa waayihiisa ciyaareed ee Barcelona dhaliyay 432 gool kuwaas oo uu ku dhaliyay 506 kulan. 49 gool ayuu udhaliyay xulka qarankiisa Argentina kuwaas oo uu iyagana ku dhaliyay 105 kulan, waana sida ay ku soo baxday in uu guud ahaan waayihiisa ciyaareed dhaliyay 481 gool oo rasmi ah kuwaas oo uu ku dhaliyay 611 kulan.Messi

Ronaldo ayaa goolkiisii ugu horeeyay kooxda Sporting Lisbon udhaliyay bishii October 2002 isaga oo guud ahaan dhaliyay 518 gool waxaana ka mid ah 118 gool oo uu ku dhaliyay waayihiisii Manchester United, isaga oo sanadkii 2009 kii Real Madrid ku soo biiray.Ronaldo ayaa 518 gool ee waayihiisa ciyaareed ku dhaliyay 773 kulan oo ka ciyaaray heerka kooxeed iyo xulka qarankiisa Portugal.Ronaldo2

Ronaldo ayaa ugu horayn 5 gool ku dhaliyay 31 kulan oo uu u saftay kooxda dalkiisa Portugal ee Sporting Lisbon ka hor intii aanu 118 gool ManUnited ugu dhalin 292 kulan halka uu Ronaldo Real Madrid udhaliyay goolasha ugu badan isaga oo 340 gool ku dhaliyay 327 kulan, wuxuuna xulka qarankiisa Argentina uu 55 gool ugu dhaliyay 123 kulan,waana halka ay guud ahaan ka soo baxday in Ronaldo uu waayihiisa ciyaareed dhaliyay 518 gool oo uu ku dhaliyay 773 kulan.Ronaldoo

Laakiin waxaa xiisaha gaarka ah leh ayaa ah in caawa uu Messi isku darka goolasha labadan xidig gaadhsiin karo tiro khaas ah iyada oo labada xidig ee muddada dheer indha aduunka soo haystay wali sii wadayaan wax qabadkooda layaabka leh. Sawirkan hoose ayaad si faah faahsan ugaga bogan kartaa qaaka iyo inta kulan ee ay Messi iyo Ronaldo ku kala dhaliyeen goolasha 999 ka ah ee ay hadda wada jir u haystaan.Messi and Ronaldo