Wasaarada Amniga Oo Shacabka Ugu Baaqday Iney Ka Fojignaadan Falalka Argagixisada

0
339

Wasiirka Amniga gudaha Somaliya C/risaaq Cumar Maxamed, ayaa ugu baaqay shacabka Somaliyed inay feejignaan ka galaan falalka lidiga ku ah dhanka ammaanka caasimada ee ay geysanayaan Shabaab.

C/risaaq Cumar Maxamed, waxa uu sheegay feejignaan ay muujiyaan Bulshada inay keenayso inuu yaraado Khasaaraha shacabka ka soo gaaro Qaraxayada.

Waxa uu tusaale u soo qaatay Qaraxii shalay ka dhacay Maqaayada The Village oo Wariyeyaal goobta joogay ay dareemeen ninka isqarxin rabay, kadibna ay ka carareen, taasi oo keentay inuu yaraado Khasaaraha shacabka ka soo gaaray qaraxaasi.

Inkastoo ay adag tahay sida feejignaan looga galo qaraxyada, hadana shacabka ayuu sheegay in mar waliba laga rabo inay dareen muujiyaan si aysan ugu dhibaatoobin qaraxyada.

Qaraxyo dhowr mar ka dhacay Magaalada Muqdisho, ayaa Khasaaraha ugu badan wuxuu ka soo gaaray shacabka oo dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen.