Wasiirka Amniga Soomaaliya: Waxaan Ilah Uga Baryeynaa In Janatul Fardowso ilah Ka waraabiyo Ugaas C/raxmaan

0
272

Wasiirka Amniga Dowlada  Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi  Cumar maxamed , isaga oo ku hadlaya magaciisa iyo magaca Xukuumada, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo saaka ku geeriyooday magalaada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

“Alle ha u naxariistee Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif waxa uu ahaa shaqsi waqtigiisa ugu badan galiyay nabadeynta iyo dib u heshiisiinta ummadda, waxa uuna saaka geeriyooday isaga oo ka qeybgalaya shirka Nabadda ee Samadoon” ayuu yiri Wasiirka Amniga Dowlada  Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi  Cumar maxamed, isaga oo Alle uga baryay inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo.