Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Oo ku wajahan magaalada Jowhar manta

0
362

Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukumadda Soomaaliya ayaa Saaka tagaya Magaalada Jowhar oo uu ka furmay dhawaan Shirka Maamulka loogu sameynayo Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Wasiirka ayaa halkaa u tagaya sidii uu kulamo ula qaadan lahaa Odayaasha Labada Gobol ee kala ah Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan,iyadoo maalinta bari ahna lagu wado in la xareeyo Ergooyinka soo dooran doona Xildhibaanada Maamulkaasi si loo sii wado Maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Sidoo kale waxaa jira Odayaal ka soo jeeda Gobolka Shabellaha Dhexe in ay diideen qaabka Dowladda Soomaalya ay u wado Qorsha Maamulkaasi lagu dhisayo,gaar ahaan  waxaa ay dhaliil u soo jeediyeen Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukumadda Soomaaliya.