Madaxweyne Xasan Shiikh Oo ilaa Xalay kulamo Ka wado magaalada jowhar kadib markii Uu Xalay ku hoyday magaaladaasi.

0
399
????????????????????????????????????

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay ku hoyday magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib markii galabnimadii shalay uu furay shirka maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha ayaa xalay kulamo gaar gaar ah la yeeshay ergooyinka shirka ka qeyb galaya ee matalaya beelaha, iyadoo Madaxweynaha uu ka qanciyay beelaha tabashada ay qabeen, waxaana uu kula dar daarmayay in la dar dar geliyo howsha maamul dhisida labada gobol.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa kulamo la qaatay Guddoomiyeyaasha labada Gobol ee Hiiraan iyo Sh/Dhexe, isagoo kala hadlay habsami u socodka howlaha maamul u sameynta iyo sidii dadka ka soo jeeda labada gobol ay u dhisan lahaayeen maamul ay u dhan yihiin.

Qaar ka mid ah odayaasha iyo waxgaradka Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa ku dhaliilay Madaxweynaha in uusan habeen ku hoyan Jowhar, bedelkii uu magaalooyinka gobolada kalena uu dhowr habeen ku hoyday, waxaana khudbadihii shalay laga jeediyay furitaanka shirka iyo suugaano ka hadlayeen sida Madaxweynuhu aanu marna ugu hoyan magaalada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa saaka lagu wadaa inuu gaaro magaalada Kismaayo, halkaasoo ay ku sugan yihiin Madaxda maamul goboleedyada, Guddoomiyaha Baarlamanka iyo Ra’iisul Wasaaraha, waxaana saddexdii maalmood dib u dhac ku yimid shirkii madasha wada tashiga ee looga hadlayo hanaanka doorashooyinka sanadkan 2016.

Ammaanka magaalada Jowhar ayaa shalay illaa xalay si aad ah loo adkeeyay, waxaana wadooyinka la dhigay ciidamo kala duwan oo badankood ka yimid magaalada Muqdisho, kuwaasoo sugayay ammaanka Madaxweynaha iyo halka uu ka furmay shirka maamul u sameynta.