Xeer Ilaaliyaha Qaranka Oo Shegay In La Dhisay Hay’adaha Dowlada

0
292

Xeer ilaaliyaha Qaranka Dr Axmed Cali Daahir oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in hada Dowlada Soomaaliya ay ka soo kabsaneyso bur burkii soo maray,islamarkaana hala-keeyay Hay’adaha kala duwan ee Dowlada.

Sidoo kale,Xeer ilaaliyaha Qaranka ayaa sheegay iney dhismayaan xarumaha kala duwan ee Dowlada,wuxuuna Tusaale u soo qaatay dhismaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed uu sheegay in hada ay heleen tababaro iyo qibrad dheeraad ah oo ay ku howl geli karaan.

Dr Axmed Cali Daahir oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay inuu soo hagaagayo guud ahaan amaanka dalka,islamarkaana taasi sababteeda leeyihiin Ciidanka amaanka oo helay adeeyada muhiimka ah ay u baahnaayeen si ay ula dagaalamaan falalka amniga lidka ku ah.

22-kii sano ee ugu danbeysay waxaa bur bur xoogan uu ka muuqday Hay’adaha Dowlada,kuwaasi oo ka shaqeyn kari waayay caqabado badan hareeyay oo ugu horeyso masuq-maasuq.

Dowlada Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii dalka dib loogu soo celin lahaa nidaamkii iyo kala danbeyntii jirtay waa hore,waxaana hada socda qorshe howled muhiim u ah shacabka.