Xiisada Ka Jira Gobolka Gado Kadib Dilkii Sargaal Lagu Dilay Baardheere

0
323

Guddoomiyaha Tuulada Ceel-cade ee Dagmada Baar-dheere  Gobolka Gado Cabdi Cali Qoor oo lahadlay Warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in Dagmada Baar-dheere ay ka taagan tahay Xiisad ku aadan Ninkii Al Shabaabka kasoo goostay kaas oo lagu dilay Dagmadaas.

Cabdi Cali Qoor ayaa waxaa uu sheegay in Ninkaas uu xili hore isaga soo baxay Al-Shabaab Magaaladana uu dhan ka daganaa, isagoo tilmaamay in si kas ah loo dilay.

Guddoomiayah Deegaanka Ceel-cade waxaa kale oo uu sheegay Ninka Dilka fuliyey Dadka Dagmada wada yaqaanaan cid soo qabaneysana aysan jirin, waxaa uu ka codsaday Dowlada Soomaaliya in arrintan wax ka qabato.

Todobaadkii hore ayaa waxaa Magaalada Baar-dheere lagu dilay Sarkaal horey uga Jirsanaa Al Shabaab, Maamulka Gobolka Gado iyo Saraakiisha Ciidanka ee halkaas jooga wali kama hadlin Sababta keentay Ninkaas la-dilo.