Xiisada u dhaxeyso Somaliland iyo Khaatuma oo wali ka taagan deegaano ka tirsan Sool

0
505

Xiisad u dhaxeysa Ciidamada maamulada Somaliland iyo Khaatumo ayaa weli ka taagan deegaano ka tirsan Gobolka Sool, taasi oo ka dambeysay ka dib dagaalo u dhaceeyay Ciidamada Somaliland iyo Khaatumo dhexmaray.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in Ciidamada Maamulka Somaliland ay Maanta isaga baxeen Saldhigii ay ku lahaayeen deegaanka Bali-cad oo ka tirsan Gobolka Sool.

Midka ka mid ah dadka deegaanka ayaa sharaxaya qaabka ay Ciidamada Somaliland isaga baxeen Saldhigyada.waxa uuna tilmaamay in ciidamada maamulka Somaliland ay manta deegnkaasi ay is kaga baxeen,

Mudooyinkii dambe ayaa waxaa Xiisado colaadeed u dhaxeeyay maamulada Khaatumo iyo Somaliland, waxayna isku heystaan sida la sheegayo Maamulka deegaano ka tirsan Gobolka Sool.