Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia oo ka hadlaya Sharciyo muhiim ah

0
461

Xubnaha Baarlamaanka Somaliya, ayaa maanta oo Isniin ah waxa ay ka hadlayaan Sharciga xuquuqda leylitirka iyo deeqaha ay leeyihiin Siyaasiyiinta, xilli ay dhaw dahay waqtiga u haray Dowladda hada shaqeysa.

Sharciga Xuquuqda leylitirka iyo deeqaha ay leeyihiin Siyaasiyiinta ayaa ah mid ahmiyad weyn u leh xubnaha Masuuliyiinta ee hada shaqeeya oo hadhoow sharcigaan faa’iido weyn u leh hadii ay ku soo noqon waayaan Miiska Siyaasadeed ee Soomaaliya.

Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud ayaa sheegay in Guddiga Xeer hoosaadka Baarlamaanka Somaliya, muddooyinkii dambe ay ku mashquulsanaayeen Sharcigan iyo soo diyaarintiisa.

Sharciga Leylitirka iyo Deeqaha ay leeyihiin Siyaasiyiinta ayaa maanta maraya Akhrinta koowaad, waxaana sida sharciga ah u hari doonta labo Akhrin, kadibna Xildhibaanada ayaa ka doodi doona.

Inkastoo Xubnaha Baarlamaanka Somaliya ay maanta ka hadlayaan Sharcigan, hadana waxaa xusid mudan in Dowladda hada jirta aysan ahmiyad siinin Siyaasiyiinta hore ee xilalka ka soo qabtay Dowladii tan ka horeysay.