Xildhibaano Kulan Ku Yeshay Muqdisho Oo Ka Hadlay Safarkii Jawaari Ee Dhuusamareeb

0
544

Kulan Muqdisho ay ku yeesheen xubno katirsan labada Gole ee Dowlada ee kasoo jeeda deegaanada Galmudug ayey kaga hadleen socdaal dhawantan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ay ku tageen gudoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Prof Maxamed Sheakh Cismaan Jawaari ku xigeenkiisa iyo xubno kale oo katirsan baarlamanka.

Xubnaha kulmay ayaa falanqeeyey saameynta socdaalka wafdiga gudoomiyaha baarlamanka uu ku yeelan karo dadaalada nabadeed ee socday ee lagu doonayey in lagu heshiisiiyo madaxda maamulka Galmudug iyo dhinaca kasoo horjeeda ee fadhigoodu uu yahay magaalada Dhuusamareeb.

Xildhibaan Yuusuf Geele Ugaas oo aqriyey warsaxaafadeed kulanka laga soo saaray ayaa ku taliyey in mar waliba laga dheeraado ficil walba oo caqabad ku noqon kara qorshaha nabadeed oo ay sida wadajirka ah u wadaan dowlada Soomaaliya dowladaha IGAD iyo maamulka Galmudug.

Xildhibaan Jawaahir Cilmi oo madasha kahadashay ayaa sheegtay in rajo wanaagsan ay ka qabaan wada hadalada hada socda ee ay hormuudka katahay dowlada Soomaaliya.